|
Ciidamo Itoobiyaan ah oo Gaarey Marko |
|
Written by Ali Moallim
|
|
Monday, 24 March 2008 |
|
Muqdisho, (insidesomalia.org)- Wararka ka imaanaya Magaalada Marka ee Gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegay in ay isaga bexeen Magaaladasi, kadib markii ay kormeer ku sameeyeen Gudaha Magaalada.
Ciidamada Itoobiya oo Raxan raxan u galay magaalada Marka ayaa waxaa ay fariisin ka sameeysteen inta u dhexeeysa Magaalada Marka iyo Tuulada Ceel Jaale.
Ciimadani oo si xoogan u feejignaa ayaa waxaa lagu arkayay iyagoo dhex sodca Xarunta Gobolka Shabelaha Hoose ee Marka waxaana la socday Ciidamo Soomaali ah, lamana sheegin wax Hub ah oo ay soo qabteen Ciidamadaasi intii ay dhex socdeen Magaalada.
Saraakiil Sar sare oo hor keceeysay Ciidamadasi ayaa waxaa ay kulan kula qateen Gudoomiyaha Gobolka Shabelaha Hoose Cabdi Qaadir Sheekh Max’ed Nuur, kaas oo ay kawada hadleen sidii Nabadgalyada Gobolka loo xoojin lahaa.
Ciidamadani ayaan la ogeeyn waxa ay halkasi fariisinta uga sameeysteen waloow warar soo baxay ay sheegayaan in dhawaan ay howlgalo baaritaano ah ay ka bilaabi doonaan Guyud ahaan Gobolka Shabeelaha Hoose.
|